Madaxweyne Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kullan la qaatay xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo uu horkacayo Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Mudane Hussein Hashi Hassan.
Wafdiga xubnaha Guddiga ayaa maalmahan howlo wadatashi u jooga degaanada Galmudug kuwaas oo ay kaga warbixinayeen howlaha Guddiga u qabsoomay iyo kuwa horyaala, iyagoo kullamo la soo qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug.
Leave a Reply