Madaxwaynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay shirweyne ku saabsan arrimaha Deegaanka gaar ahaan dhaqan gelinta Sharciga Maareynta Deegaanka Galmudug oo dhawaan Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug soo saartay, islamarkaana ay meel mariyeen labada gole ee fulinta iyo Baarlamaanka, uuna saxiixay Madaxweynaha Galmudug.
Leave a Reply