Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha Waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana si guul ah ku soo dhamaatay booqashada wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Leave a Reply