Waxaa Maanta oo Khamiis ah dib u dhac ku yimid shirkii looga hadlaayey arrimaha doorashooyinka oo lagu balansanaa in maanta ay Muqdisho ku yeeshaan Madaxda maamul goboleedka iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka oo uu horay u sii shaaciyay Ra”isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu shir la yeeshay Madaxda Dowaldad Goboleedyada, ayaa looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo waxyaabaha ka qabsoomay qodobadii laga soo saaray shirkii hore ee Afisyooni ku yeesheen.
Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in maal maha soo socda uu ka furmo Muqdisho, ajandaha ugu mahiimsan ee shirka ayaa lagu sheegay diyaarinta habraaca doorashooyinka aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya iyo sidoo kale raadinta dhaqaalaha ka dhiman hirgelinta doorashooyinka.
Leave a Reply