War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka iskuulada Abaarso oo ay kamid tahay jaamacada Barwaaqo ayaa waxay sheegeen in Gudoomiyaha Jaamacada Barwaaqo Joy Isa inay ahayd Baadiriyad diinta Kirishtaanka Faafisa una dhalatay wadanka Nigeria.
Hadalkaan qoraalka ah ee kasoo baxay Maamulka abaarso ayaa imaanaya xili Madax waynaha Maamulka soomaliland uu diifacay Jaamacada iyo iskuulka abaarso in lagu faafiyo dhan xun oo kasoo horjeeda diinta Islaamka.
Maalmo ka hor bay ahayd markii Samafale Coldoon lagu Xiray magaalada Burco kadib markii uu soo bandhigay cadaymo muujinaya inay Joy Isa tahay Baadiriyad ama Pastor faafisa diinta Kirishtaanka iyo dhaqankooda.
Leave a Reply