
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amaanka, iyagoo la wadaagay xaaladda Amni ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.
Yuusuf Axmed Hagar, Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.


Leave a Reply