Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmug ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiita Gal-mudug ay ka horatgeen weerar Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku leeyahiin duleedka magalada Camaara, halkaasi oo uu sheegay in qasaaro xoogan loogu geystay argagixisada.
Wasiir Axmad Shire Falagle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in weerarka oo ku bilawday qaraxyo iyo dagaal toos ah ay Al-Shaabaab waabarigii saakay ku soo qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku lahaayeen Camaara, isla markaana ciidamada ay ka hortegeen dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka ku nool Magaalada.
Khasaarahaha ka dhashay dagaal ayuu sheegay in ku dhawaad 60 dhimasho iyo dhaawac intaas ka badan la gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo wareeray Camaara, ayna jiraan dhawacyo kale oo ay kala carareen goobta, isagoo dhanka Dawladda tibaaxay inay weerarka ku shahiideen 5 qof oo mid ka mid ah ahaa sarkaal.
Xaaladda deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa caawa dagan ka dib markii Al-Shabaab ay jab xooggan kala kulmeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo isgarabsanaya, ayadoo ciidamadu ay wali wadaan howlgallada looga sifaynayo Al-Shabaab guud ahaan deegaannada Galmudug.
Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga galmudug ayaa lagu shaaciyay in duqaymo dhanka hawada oo is xigxiga ay ciidamada huwantu dul istaageen maydadka argagixisada oo ka badan 60, ayagoo horey u sii qaatay tiro intaas aan ka yarayn.
Wasaaradda Amniga ayaa ammaan iyo bogaadin u dirtay geesiyada naftood hurayaasha ah, ayagoo ka tacsiyadeeyay shuhada qiimaha badan ee naftooda u hibeeyey ka xoraynta geyiga Soomaaliya argagixisada ku soo duushay, intooda dhaawaca ahna Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah.
Leave a Reply