Wafdigaan heer Wasiir ah oo lagu soo dhoweeyey magaalada Xuddur ayaa waxa horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkay iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.
Soo dhoweyn kooban oo loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida ee gobolka Bakool halkaas oo ay kulan kula qaateen golaha deegaanka degmada Xuddur, maamulka degmada Tiyeeglow iyo kan gobolka Bakool .
Leave a Reply