Rooble Albaabadii Xaraash qaran miyuu dib u furay Afar Sano iyo Bar ka Dib W/Q Dhiblaaw

rooble

Waa su’aal waqtigii lays weydiin lahaa la joogo, waa arin hortaal qof kasta oo Soomaali ah, ma weydiinaayo kuwa leh siyaasada iyo aqliga nintooxsiga  aan rayigoodu dhaafsiisneyn, ama qabyaaladu dilootey ee waxay ku socotaa kuwa aaminsan waxwadalahaanshaha, sida Diinta dalka ,calanka, xoriyada, sharafta iyo karaamada oo ay dhamaanteen ilaalintoodu. 

Aan dib u milicsano 2016 Feebaraayo 8dii, xeradii Imaraadka ee ciidamada Soomaalidaa uu ku tababaran jirey ciidamada,qalabka mileteri ee kala duwan yiileen,maalintii dawladu go,aansatay in lala wereego bil ka badan la daabulaayey hubkii halkaas yaalay oo qarankeena halista ku ahaa.

Talada dalka oo laga maamulaayey Xalane ee sababtay markii denbe in dalka laga eryo wakiilkii qaramada midoobay oo aan nina fileyn in dalka laga saari karo,asaguna uusan madaxa ku hayn.

Kaba darane Fiila Soomaaliya waxaa ka talinaayey TPLF(Tegreey),waxaana u Fadhiyey Kononeyl Gabre oo aan nina ku dhicin in uu saxiixo warqad uusan ogayn,waxaana marag ma doonto ahayd in aan madaxweyne,resulwasaare iyo wasiirka arimaha dibadu ayyan ku dhicin in ay aadaan shirarka caalamigaa ee ka dhaca adduunyada,heshiisyo ay galaan oo bayan ka jeediyaana aan nina ku dhicin,oo si aan qarsoodi ahayn asaga oo faafreebaaya bayaanada iyo saxiixyada caalamigaa  ee masiirka dalka Soomaaliya saxaafadu soo bandhigeysay,waana tii sababtay in Xukuumada weli talada haysaa shaqo ka bilowday in dalka laga saaro hoose ka eeg sawirkiisa 8dii Feebaraayo goobtii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Keenya oo ahayd halka dalka Soomaaliya looga soo duulo oo loola dagaalamay si cilmiyeysan.

Kalsoonidaas waxaan ka dhaxalnay, dhaqaale kordhay ,mushaarada oo caadi loo bixiyo,dhismo ciidan, maamulwanaag, deyn cafin dhan lix bilyan,soo celin maxaabiistii ku rafaadsaneyd daafaha dunida,wada dalka oo aan soo ceshanay, dib u soo nooleynta goobaha taariikhigaa ee dalka,dayactirka xarumihii dawlada iyo barnaamijka baxnaano ee saboolka oo aan Afrikaba laga helin,dhammaan arimahaan waxay ku yimaadeen albaabadii xaraashqaran oo ay fureen labadii xukuumadood ee ka horeeyey midaan oo la xiray.

Waxaase yaab iyo argagax leh resulwasaare Rooble oo dhawrkii todobaad ee u denbeyey si xawliya oo indha la,aan ah  qaaday tilaabooyin uu ku furfuraayo albaabadii xaraashka dalkeena oo aad moodid in uu u gacan haadinaayo dhammaan cadawgii na curyaaminayey iyo asaga oo doorashadii ka weeciyey dhabahii wanaagsanaa oo uu markii hore ku waday,qaylada mucaarad iyo muxaafid ka soo wada yeertay,gudigii madaxa banaanaa ee doorashada oo hawshoodii lala wareegay,odayaashii dhaqanka oo doorkoodii laga qaaday oo afka furtay iyo digniinta culumada Soomaaliyeed, masiirkii ummadda Soomaaliyeed oo lix nin isku soo

Koobtay,dadkii indhaha u ahaa dalka ka hadle, laakiin waxaa la yiri ( RUQO, WEYD AMA CAATO NINKII LAHAA SAYNTA UGA TAAGAN YAHAY MA KACDO)Fadlan dhalinyarada,aqoonyahanada,bulshada rayidka ah,culumada iyo bulshaweynta Soomaaliyeed yaanaan indhaha  ka fiirsan damac shaqsi daneyste ah oo dantiisa noo duleynaaya,aad bay u mahadsan yihiin inta ka falcelisey oo gobolada qaarkood ka mid yihiin laakiin waxaa loo baahan yahay dereen shacab oo banaanka lala yimaado oo damaca xun diida gobolada oo dhan.Fadlan faafi ra,yigaagana ka dhiibo

Wabilahi 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.