Madaxwaynaha soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyey Qaar kamida golihiisa wasiirada oo uu kamid Yahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed kaas oo dhawaan ka hadlay Iskuulada amaarso oo lagu sheegay inay diinta Masiixiga Faafiyaan.
Wareegto Madaxweyne : 02/09/2021Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-Wareegto MadaxweyneUJEEDDO: XIL KA-QAADISKu: Maxamed Muuse Diiriye,Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo TamartaKu: Yuusuf Mire Maxamed (Boos),Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed,Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo AwqaaftaKu: Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble,Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo DhaqankaKu: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta QarankaKu: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka ItoobiyaKu: Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha DawladdaKu: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka DhexeMudanayaal,Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABIDMarkaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;Markaan Sameeyey: La-tashi;Waxaan Go’aansaday;In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:Tir Magaca Xilka1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha 6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta 7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta 11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha 12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda 20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha 21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe 25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Leave a Reply