
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee ENG Maxamed Cumar Saalixi oo maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa waxa uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah.
Ra’iisul wasaare-kuxigeenka ayaa marxuumka Alle uga baryay Jannatul firdowsa ehellada iyo asxaabtana samir iyo Ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Leave a Reply