Daawo:Madaxda dowlada oo ka qayb galay Janaasadii Marxuum Maxamed Cumar Saalixi

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waheliyaan Ra’iisalwasaaraha iyo kuxigeenkiisa ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lagu aasay Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee Degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ahaa halyey ku suntanaa dal-jacayl, hawl-karnimo iyo waddaniyad, ayaa door weyn ka soo qaatay difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo ka tirsanaa, laf-dhabarna u ahaa Guddiga Qaran ee Difaaca Baddeenna.

“Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay maababka badaha iyo dhulka, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii uga faa’iideeyey difaaca baddeenna. Waxa uu ahaa shaqsiga soo ururiyey wixii maabab iyo heshiisyo ahaa ee ku saabsan baddeenna, kuwaas oo inaga lumay xilligii burburka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo masuuliyiinta kale ee Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Goleyaasha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.