Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kormeeray xeryaha Ciidamda ee Shabeelada dhexe

dhoore

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed generaal maxamed tahliil biixi oo ay waheliyaan wehliyey Taliyaha qeybtac 27-aad sareeyo guuto Axmed maxamed maxamuud calasow (Tareedishe) iyo Taliyaha Guutada 4-aad cornell saneey cabdule gaab,madaxa howlgilin ciidanka dhulka xoogga dalka cabdi cismaan raabi, madax xafiiska ciidanka Col:cabdinaasir shariif kamaalu-diin ayaa kormeeray xeryaha iyo jiida hore dagaalka ee gobolka shabeelada dhexe.

Taliyah Ciidanka dhulka xoogga dalka generaal maxamed tahliil biixi deganada iyo degmooyinka uu kormeeray waxaa ka mid taliska guutada 4aad qeybta 27aad ee geed-timir, taliska ururka 12aad guutada 4aad ee deaganka xaaji-cali

Ugu horeyn taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaliyeed ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubovka tirsan guutada afaraad ee ku sugan deegaanka warshiekh ee gobolka shabeelaha hoose isagoo kula dar-daarmay in sii laba jibaraan howsha ay qaranka u hayaan.

Intaas ka dib taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka iyo saraakiisha qeybta 27aad ayaa u baqoolay dhankaas deegaanka xaaji-cali oo talis u ah ururka 12-aad ee guutada 4-aad isagoo ciidanka kula hadlay intaas ka dibna saraakiisha ka dhageystay warbixinta ku saabsan xaalada ciidanka, amniga iyo howlgadala ka dhanka ah al.shabaab.

Ugu dambey taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed gen. maxamed tahliil biixi ayaa safariiisa shaqo ku soo gaba-gabeyey cutubyo ku sugnaa difaaca hore ee degmada raaga -ceele ee gobolka sh.hoose isagoona ciidanka kula dar-darmay in ay sii kordhiyaan dadaalkooda ku difaaca diinta dadka iyo dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.