Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilka Agaasimaha hey’adaas ugu magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).
Bashiir Goobe ayaa sidoo kale mar soo noqday Taliyaha NISA, sanadihii 2013 illaa 2014-kii, xilligaas oo dalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ku cad war-saxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah uu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub Bashiir Goobe.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu cadeeyey in qoraalkii uu Agaasime Fahad ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil uu muujinayo inuu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda ugu soo gudbiyo muddo 48-saac gudahood ah.
Leave a Reply