Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degaanka kabxanley ee Gobolka Hiiraan in ay joojiyaan colaada miiska wadahadalkana leysugu yimaado.
Madaxweynaha Hirshabeele ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah, waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, isla markaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.
Leave a Reply