Warqoraal ah oo kadoo baxay Maamulka ayaa waxaa looga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliyaha Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin taa oouu ka horyimid Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Warka ka soo baxay puntland ayaa sidaan u qornaa.
Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.
Leave a Reply