Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.
Leave a Reply