
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.
Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.
Leave a Reply