Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada hirshabeelle.
Musharaxiinta ayaa u tartamaya 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka hirshabeelle ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta.
Kuraasta ugu adeg ee doorashada Maanta dhaceysa ayaa waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay, halka kurasiga kalena ay ku tartamayaan Senator Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle iyo Maxamuud Axmed Nuursan Tartsan oo ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Leave a Reply