
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Mr.Lingarde.
Labadaasi mas’uul ataa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.
Leave a Reply