Ra’iisalwasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Boris johhson ayaa Xafiiskiisa magaalada London ee caasumada dalka Ingiriiska kusoo dhaweeyey Boqorka Abudabay ahna Taliye kuxigeenka Ciidamada Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Ra’iisalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo Amiirka Abudhabi ayaa kawada hadlay sidii labada dal ay xiriirkooda usii xoojin lahaayeen gaar ahaan Ganacsiga, Tamarta. Difaaca, Nabadgalyada, waxbarashada, caafimaad iyo arimaha ka jira Gobolka.
Dhanka kale Ra’iisaalwasaare Boris ayaa soo dhaweeyey go’aanka shirka Imaaradka ee Mubadala Investment ay ku maalin galinayso UK lacag dhan 800 Milyan oo ah gina Istarliinka ah taas oo shaqo a buur u samaynaysa bulshada ku dhaqan dalka UK.
Hoos ka Aqriso war saxaafadeedka labada dal.
Leave a Reply