Dowlada Jabuuti ayaa Magaalada Jabuuti ku xanibtay diyaaradaha Turkey Airline oo ay saaranaayeen Shacab iyo saraakiil uu kamid yahay Fahad Yaasiin, waxaana amarkii lagu hor istaagay bixiyey Ra’iisalwasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed xusuub rooble sida ay xaqiijiyeen Maamulka Garoonka diyaaradaha Jabuuti.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii la socday diyaaradda Turkish Airline ee maanta lagu xannibay garoonka Jabuuti lagu celanayo meeshii ay ka yimaadeen ee magaalada Istambul ee dalka Turkiga.
Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitter ayaa sheegay in rakaabkan ay dib diyaarad kale uga soo raaci doonaan Istambuul si ay u gaaraan magaalada Muqdisho.
Leave a Reply