
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho, Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.
Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida adeega Caafimaadka, Wasiiradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.


Leave a Reply