Madaxwaynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa mudo dhan labo sano waxuu Magaalada Cadaado oo ka tirsan maamulka Galmudug ku dul maraayey Diyaarad kadib markii Beesha reer Xaaji saleebaan ay u diideen inuu Soo maro Magaalada Cadaado.
Waxaa kaloo in la xuso mudan ilaalada Madaxwaynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa waxaa dil loogu gaystay cadaado waxaana dilkooda ka dambeeyey sida uu sheegya xaaf koox reer Cadaado ah oo uu kamid ahaa Qoorqoor madaxdawaynha glmudug ee hada.
Bulshada Cadaado oo bananbax badan oo looga soo horjeedo Xaaf sameeyey ayaa waxay sheegeen inay rabaan in barlamaankii Galmudug ee xiligaas in lagu soo celiyo Cadaado sida dowlada Soomaaliya sheegtay, balse taas ma dhicin.
Madaxwaynaha hada xilka haya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor markii la doortay Bulshada Cadaado waxay u muujiyeen taageero xad dhaaf ah wax xuquuq gaar ahna masiin bulshada Cadaado.
Madaxwaynihii hore ee Galmudug xaaf iyo koox taageersan ayaa Koofurta gaalkacyo waxay ka bilaabeen kacdoon ay uga soo horjeedaan Qoorqoor waxayna sheegeen inay Madaxwaynaha Galmudug ula dhaqmayaan sidii ay Xaaf ula dhaqmeen beesha reer Xaaji saleebaan ee dagta cadaado.
Leave a Reply