Daawo:Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii maanta dhacay

boliis

Sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Todoba ruux, ayaa ku dhimatay Qarax maleeshiyaadka argagixisada ay u adeegsadeen gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo barqanimadii maanta ka dhacay Isgooyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa ay ku dhawaacmeen dad gaaraya Sagaal  ruux oo Rayid ah, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Maleeshida argagixisad ayaa cadeeystay Qaraxyada aan loo meel dayin ee lala beegsado shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.