Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ceel gaabta waxaana Jira Khasaaro isugu jira Dhimasha Iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay, xili uu marayay Isgoyska Ceel-gaabta gaar ahaan wadada aada dhinaca Xarunta Madaxtooyada.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari ay Alshabaab ka soo buuxiyeem waxyaabaha qarxa.
Waxa uu sheegay in uu jiro khasaare soo gaaray dad shacab ah, in kastoo uusan sheegin tirada rasmiga ah.
Leave a Reply