
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tacsi ah oo loogu duceynayay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ahayd la taliyihii arrimaha haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo 25-kii bishan ku geeriyootay qarax argagixisadu ka geysteen isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.
Xubno ka tirsan golaha wasiiradda ee XfS, mas’uuliyiin kale iyo qaraabada Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan ayaa sido kale kulanka ka qeyb galay.
Leave a Reply