Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Maamulka Puntland ee PMPF loo yaqaano.
Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa waxaa lagu dilay degaanka laanta Hawada oo Bari ka xiga Magaalada Garoowe, waxaana dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidanka Puntland.
Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay.
Dilkan duleedka Garoowe loogu geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Maalin ka hor Magaalada Garoowe ay ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato
Leave a Reply