Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi kadib markii loo soo sheegay in xilka laga qaadyo.
Axmed Maxcalin fiqi ayaa sheegay in iscasilaaddiisu ay sabab u tahay arrinta Ahlu-Sunna, taasi oo uu sheegay in Madaxda maamulkaasi ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo khilaafka ka dhexeeye Galmudug iyo ASWJ.
Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Axmed Macalin Fiqi
“”Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.
Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.
Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa.””
Madaxwaynaha Galmudug Maxamed cabdi kaariye ayaa qorshaynayey inuu xilka ka qaado wasiiro badan oo ka tirsan Galmudug kadib markii ay ku fashilmeen shaqadii loo diray.
Fiqi waa nin maskiin ah
Runtii markii horaba
Mahayen meel intaas oo
Qabiili somali ah aay maamul
Kuqaybsadeen in amniga
Loodhiibo maxaa yalay
Fiqi waa nin intabadan
Qabiili ah 2 meel
Hawada gasho qabiili baaan
Ahaan wasiirna waan noqon
Taas waa arin aan masha halikarin amniga haloodhiibo
Nin yaqaan qaran waxa uu galo
Iyo waxaa uu gudo fiqi
Good by