
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe.
Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka Caasimadda iyo saxmada waddooyinka kale ee magaalada.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa munaasabadda xarag jarka ku wehelinayey, Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Booliska , Duqa magalaada Garoowe iyo Saraakiil Ciidan






Leave a Reply