Golaha Wadatashiga Qaran koo lagu eedeeyay dib u dhaca doorashada

rooble

Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo ka kooban Madaxda Maamul Goboleedyada Gpbolka Banaadir iyo Ra’iisalwasaraha Xukuumada Xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu eedeyey inay ka masuul yihiin dib udhaca ku yimid doorashada Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in ay wel-wel aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorashada iyo sidoo tafaraaruqa siyaasadeed ee  ka jira dalka, waxaana sidoo kale ay carrabka ku dhufteen in dalku uu marayo xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka doorashooyinka ah.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka xun yahay in jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay ay Seddex jeer dib uga dhacday dhammaan waqtiyadii loo asteeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.