Aabaha dhalay wiil Soomaali ah oo loo heysto dilka Xildhibaankii UK oo ka hadlay dilkaas

sirdavid

Booliiska dalka Ingiriiska ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK.

Aabaha ninka lagu tuhunsanyahay dilka Xildhibaan Sir David Amess ayaa warbaahinta Ingiriiska u sheegay inuu aad uga naxay xariga wiilkiisa oo lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay Xildhibaanka.

Xarbi Cali Kullane, oo hore u ahaa la -taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya – ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska uu hadda gacanta ugu jiro booliska, Xarbi ayaa sidoo kale sheegay in booliiska la-dagaallanka argagixisada ee Scotland Yard ay soo booqdeen.

Isagoo ku sugan guriga walaashiis oo ku yaala waqooyiga London ayaa Kullane wuxuu yiri: “Aad ayaan u dareemayaa naxdin. Ma ahan wax aan filayay ama xitaa ku riyooday. ”

Sir David, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisiga muxaafid tan iyo 1983, ayaa kulamadiisii ​​caadiga ahaa ee Jimcihii la lahaa xubno ka tirsan kaniisadda Belfairs Methodist markaasi oo dhowr jeer tooreey lala dhacay, 69 jirkan ayaa waxaa uu ifka uga tagay afar gabdhood iyo wiil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.