
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dadejinta howlaha Doorashooyinka, gaar ahan Golaha Shacabka, Amniga, beni’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada Hay’adaha Qaramada Midoobay u hayaan Hirshabeelle.
Ambassador Jemes Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Jowhar oo u qabsoontay si daahfurnaan ah, isagoo ku booriyay in la dadajiyo doorashooyinka dhiman.






Leave a Reply