
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya MudaneSheekh Ilyaas Cali Nuur Cali ayaa maanta Shir la qaatey qaar ka mid ah Abwaanada, Fanaaniinta iyo Music-tayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Bahda Fanka KGS ayaa Wasiirka kaga mahadceliyey kulanka uu la qaatey iyo sida uu u dhageytey baahiyahooda, waxay Sidoo kale Wasiirka uga mahadceliyeen sida uu bahda Fanka marwalba u garab taagan yahay.
Wasiirka Ilyaas Cali Nuur Cali Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada ayaa Bahda Fanka uga mahadceliyey sida ay kaalinta muuqata ay uga qaadanayaan Hormarka KGS.
Leave a Reply