Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood.
Dowladda ayaa eedeeyn culus u soo jeedisay Simon Mulongo, waxaana sababta lagu sheegay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa goordhaw shaaciyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Q,M, gaar ahaan saraakiisha aan shaqadooda u gudan sida sharcigu u ogolaanayo.
Leave a Reply