Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed, ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka aya Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.
Ugu danbeey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi, oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda intii uu xilka hayay.
Leave a Reply