Banaanbax Looga Soo horjoodo TPLF oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

Jigjiga

Kumannaan bulshada magaalada Jig-jiga ah ayaa saaka aroortii hore iskugu soo baxay badhtamaha magaalada Jig-jiga, kuwaas oo wata boodhadh ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo ay ku taageerayaan ciidammada difaaca qaranka dalka iyo doorashadii ka dhacday Deegaanka, halka sida oo kalena ay cambaaraynayeen kooxda argagaxisada ah ee TPLF.

Duqa magaalada Jig-jiga, C/fataax Ibraahim iyo guddoomiyaha gobolka Faafan, C/xakiin Sheekh oo la hadlay bannaan-baxayaashii isu soo baxay ayaa sheegay in kooxda TPLF ay tahay koox argagaxiso ah oo dhibaato weyn ka geysatay Deegaanka iyo dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.

“Ma aqbalayno kooxdii shalay na bahdishay ee na dhibaataysay in mar kale ay soo laabtaan, waxaan u digaynaa kuwa gacan-yaraha u ah kooxda TPLF ee wararka been-abuurka ah ka wada baraha bulshada, waxaana diyaar u nahay in aan la halganno kuwa shar-wadayaasha ah “, ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Faafan oo bannaan-baxa ka hadlay.

xigasho warbaahinta deeganka Soomaalida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.