Jeneraal Xijaar oo digniin u diray dadka Anshax xumada ku baahiya TikTok

boliis

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si daga uga hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu baahiyo baraha bulshada gaar ahaan Tiktokga iyo burcada dhaca ka geysata xaafada qaar ee magaalada Muqdisho, kadib kulan ay maanta yeesheen taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir.

Taliye Xijaar ayaa ugu horeyn sheegay in mudooyinkii dembe ay aad u soo badatay burcadda dhaca ka geysata magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka shacabka ah ka furta taleefoonada iyo agabkooda gaarka ah, isagoo balan qaaday in tallaabo deg deg ah ay qaadi doonaan hey’adaha ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka hadlay muuqaalada anshaxa wax u dhibaya ee lagu baahiyo baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Tiktok-ga oo carabka uu ku dhuftay, isagoo ku amray saraakiisha ciidanka booliska inay wax ka qabtaan dadka muuqaalada anshax xumada ah kusoo bandhiga aalada Tiktok.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxaa shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaana diirada lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.