Qoorqoor oo ka hadlay Dhisida Golaha deegaanka Degmooyinka Galmudug

qoorqoor

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furka hanaanka adeeg daadejinta dowlad hoose degmooyinka maamulka Galmudug.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen wasiirro, xildhibaano, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweyne Qoor Qoor ka daah-duray mashruucaan.

Hey’adda UNISEF ayaa maamulka Galmudug ka taageereysa hirgelinta mashruucaan daadejinta adeegyada dowladaha hoose ee degmooyinka, waxuuna muhiim u yahay adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Barnaamijkan ayuu daahfurkiisu yimid kadib markii Galmudug ay noqotay maamulka 3-aad ee wax un hormar ah ka sameeyey daadejinta adeegyada dowladaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.