Sawiro:Rooble oo qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamed Gad oo ah wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray howlaha ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wasiirro uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaahsiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa R/wasaaraha ku wehliyey shirka uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wafdiga ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan iyo mid ka horeeyey oo Xaline uu Wasiir Maxamed Cabdirisaaq kula yeeshay saraakiishaan ka socota Midowga Afrika ayaa diirada lagu saaray ka hadalka sii joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya iyo sidii AMISOM ay ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka xoogga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.