Dhageyso:Ahlusuna oo sheegtay inaysan diidin Wadahadal cid noo timidna majirto

Shaakir

Xoogagga Ahlu-Sunna ee uu hogaamiyo Sheekh shaakir ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ku aaddanaa in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex-marayay.

Gen. Aadan Abshir Nuurre General laba-afle oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah kuna howlanaa xal u raadinta arinta ahlusunnada hubeysan ee bohol joogta ayaa yiri “raga bohol jooga waxaan ku maqnayn 12-maalmood oo aan is laheyn yaysan wiilal dambe dagaal ku dhiman balse nabadii aan wadnay way naga diideen, anagu waan kasoo quusaney ee go’aankii dambe ee laga qaadanayo dowlada ayuu u yaalaa.” in ay arintaasi ku gacan saydheen Ahlu Sunna Waljamaaca.

idaacada BBC oo la xiriirtay Cabdisalaan Aadan Xuseen oo ah madaxa siyaasadda Alhu Sunna Waljamaaca ayaa lawaydiiyey waxa ay ka leeyihiin inay diidan yihiin in xal lagu dhameeyo khilaafka taagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.