Gollaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmonnimonee Guriceel oo ay hore u meel mariyeen gollaha Wasiirada Galmudug,
Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa maanta hor gaysay gollaha Baarlamaanka Galmudug qaraarka dhamaystirka habraaca degmada Guriceel, oo ay hore u meel mariyeen gollaha wasirada shirki lagu qabtay guriceel bishi lasoo dhaafay
Kulan Gollaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ay Maanta ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa shir guddoominayay Guddoomiye Baarlamaank Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal waxaana fadhiga soo xaadiray 68-mudane, kuwaas oo dhamaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo guriceel ka dhigaya degmo leh dhamaan xuquuqaadka ay helayaan degmooyinka kale ee Galmudug.
Leave a Reply