Jabbuuti oo sheegtay in ay khasaare weyn kasoo gaaray dagaalka Itoobiya

Ismaciil

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa sheegay in 12-kii bilood ee u dambeeyay uu dalku ku khasaaray lacag u dhiganta kala badh hantida qaranka, ama 1.7 bilyan oo dollar, ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii.

Dhaqaalaha dalkan ayaa markii horeba la halgamayay inuu ka soo baxo saamaynta duulaanka Ayaxa, COVID-19 iyo isbeddelka cimilada.

Colaadda muddada sanadka ah ka jirtay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xumeeyay khalkhal ku yimid silsiladahii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada waddan iyada oo ganacsigu hoos u dhacay. kaliya 20 boqolkiiba.

In ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Labada dal ayaa balaayiin dollar ku maalgaliyay dhismaha marin ganacsi oo si toos ah u siinaya Itoobiya inay hesho deked badeed oo ay ku jirto khad tareen oo 470 mile ah oo isku xidha dekedda Djibouti ilaa Addis Ababa, laakiin dhammaan waxa hadda taaganayaa u muuqda xaalad mugdi ah, haddii aan si degdeg ah loo gaadhin xal nabadeed oo lagu soo afjarayo xiisaddan.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobey António Guterres oo isku dayayay in uu xaaladda dajiyo ayaa ka digay “in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka geeska Afrika”.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool dad gaaraya 110 milyan, islamarkana waa mid ka mid ah dalalka sida dhaqsada ah u koraya, waxa walba oo Itoobiya ka dhacana waxaa uu yeelanayaa saameyn ballaaran .

Iyada ay taasi jirto ayaa hadana waxay dowladda fedaraalka ee Itoobiya ku gacan seyrtay baaqyada ah in qaab wada-xaajood ah lagu xaliyo muranka kala dhaxeeya xoogagga TPLF ee maamulka gobolka tagrey.

Taa badalkeeda waxay dowladda fedaraalka weerar ku qaaday xoogagga TPLF, waxayna xukuumadda Itoobiya sheegtay in arrintani ay tahay mid arrimaheeda gudaha quseeysa.

Dowladda ayaa ku tilmaamtay dagaalkan “howlgal amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo kana dhan ah “koox yar” oo dooneysa in dastuurka Itoobiya ay burburiso.

Dagaalkan ayaa ka dhashay xiisad muddo dheer u dhaxeysay TPLF iyo dowladda fedaraalka, balse kumannan qaxooti ah ayaa durbadiiba u qaxay dalka Sudan taasi oo muujinaysa saameynta dagaalka.

Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.