Midowga Musharaxiinta oo Sheegay In Aysan Aqbaleynin Doorasho Jiitamaysa

xasanshiiq

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca isbada-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daaha doorashooyinka dalka  ku yimid, Waxayna soo saareen lix qodob oo ay ugaga hadlayaan doorashada Golaha Shacabka soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda dalka haatan uu ku sugan yahay uusan aheyd mid xamili kara doorasho loo daahiyo danno guraccan ama la boobo, iyagoona sheegay in daaha doorashada dalka u horseedi karto xaalad cakiran iyo Codaal Sokeeye.

Akhriso lixdan qodob ee ay Goluhu soo saareen.

1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.

4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.

5-In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.

6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.