Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka masuul ah amni darada ka jirta Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda amni ee xilligaan qorshaha uga degsan wasaaradda Amniga iyo tallaabooyinka dhanka amniga ah ay u qaadeen.
Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.
“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa ainay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo kala duwan wadeen Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply