Akhriso:Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo Difaaacay eedeyn loo Jeediyey Rooble

acdaala

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ahna La taliyaha Ra’iisalwasaare Rooble ayaa waxuu ka hadlay eedeymo loo jeediyey Ra’iisalwasaare Rooble kuwaas oo la xariira Kiiska Ikraam tahaliil.

Qoraal bartiisa facebook soo dhigay oo ku difaacayey Ra’iisalwasaare Rooble ayaa sidaan u qornayd.

Waxaan arkay shaqsiyaad baraha bulshada ku weeraraya Raysalwasaare Maxed Xuseen Rooble Kuwaas oo isku dayaya in duruufo iyaga ugaar ah ay ku jahawareeriyaan bulshada Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsanyihiin doorka uu Raysalwasaaruhu ka qaatay badbaadinta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyo sida uu ugu dhabar adaygay xaaladihii murugsanaa ee sanadkii ugu danbeeyay dalku wajahay.

Balse waa nasiib-darro in dadka qaar isku dayaan in ay dedaalka Raysalwasaaraha u isticmaalaan hub ay ku weeraraan dad kale haddii ay taasi awoodiwaayaanna isku dayaan in ay suurad xumeeyaan Raysalwasaaraha.

Raysalwasaare Rooble wuu yaqaannaa shaqada utaala wuuna gudanayaa, Shacabka Soomaaliyeedna weey miisaamikaraan erayada marinhabaabinta iyo gefka ah ee laga leeyahay danaha dahsoon.

Dalku doorasho ayuu ku jiraa qofkastana calafkiisa ayuu qaadayaa, balse cidna kuma haboona in ay maslaxadeeda gaarka ah ku cabirto danaha guud ee Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.