
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashada u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.
Kulanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan soo gaba-gaboowday doorashada Aqalka Sare ,ayna socoto doorashada Baarlamanka Faderaalka Soomaaliya.
Leave a Reply