Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii Hirshabeelle iyo doorkii muuqda ee ku lahaayeen dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.
Leave a Reply