Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa Jawaab ka bixiyay edeyntii ay dhawaan ay u jeediyeen Midowga Musharaxiinta ee aheyd in Musharaxiin laga hor istaagay dacwad ay rabeen inay ka gudbiyaan kuraastii barlamaanka soomaaliya ee doorashadooda la boobay.
War-Saxaafadeed kasoo baxay maanta Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa waxay Golaha Midowga Musharixiinta ka codsadeen inay keenaan caddaymo muujinaya in Guddigu Xallinta Khilaafaadku hor istaagay in uu qabto dacwado iyo go’aanno uu guddiga gaaray oo aan loo marin habraacii loo dajiyay.
Leave a Reply