
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda Xarumaha Maamulka Gobolka iyo kan degmada Jowhar waxa uuna kulan la qaatay Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Jowhar isagoo faray in la dardargaliyo u shaqeynta bulshada.
Madaxweynaha oo kormeerkiisa sii wata ayaa gaaray xarumaha Wasaaradaha Beeraha Howlaha Guud, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha,isagoo mid mid u booqday xafiisyada iyo sida ay shaqeeyaan waxa uuna la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada wasaaradaha waxa uuna kula dardaarmay inay laba laabaan shaqooyinka adag ee bulshada u hayaan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda wasaaradaha uu maanta booday isagoo ku dhiirigaliyay Wasiirada Wasaaradaha uu maanta booday inay dardargaliyaan shaqooyinka Hirshabeelle.
















Leave a Reply